Xaaska Askari Ka Tirsan Ciidanka AMISOM oo la Dilay Iyo Fah Faahin Ka Soo Baxaysa
Haweeneeyda oo lagu Magacaabi jiray Catherine Ruto ayaa meydkeeda qoyskeeda waxaa ay ka heleen Hoygeeda oo kuyaalla tuulada
Kosachei ee ka tirsan degmada Turbo ee
ismaamulka Uasin Gishu ee dalka Uganda.
Meydka Haweeneyda ayaa waxaa gurigeeda
ka helay carruurteeda oo dhigata Fasalka
Shanaad iyo Fasalka Kowaad, kuwaas oo ka
soo laabtay Iskuulka, balse ay heleen xilli ay dhex jiiftay barkad dhiig ah.
Haweeneeyda ayaa waxaa jirkeeda ku yaallay tooreey dhowr jeer looga dhuftay qoorta, waxaana dadka deriska la’ah ay ku tuhmeen dilkeeda Nin ka yimid degaanka Kabarnet oo booqasho ugu yimid ka hor dilleeda.