Weerar Khasaaro Dhaliyay Oo Lagu Qaaday Goob Loo Diyaariyay Doorashada Duqa Iyo Ku-Xigeenka Degmada Eyl

0
462

Weerar Khasaaro Dhaliyay Oo Lagu Qaaday Goob Loo Diyaariyay Doorashada Duqa Iyo Ku-Xigeenka Degmada Eyl

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu qaaday degmada Eyl ee gobolka Nugaal, kaddib markii ay koox hubaysan weerareen dugsiga sare ee degmada halkaasi oo loo diyaariyey in ay maanta ka dhacdo doorashada duqa iyo ku-xigeenka degmada Eyl.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Hal qof uu ku dhaawacmay, waxaana Goobta ka socotay  doorashada duqa iyo ku-xigeenka degmada  kuwaasi oo kamid ah Golaha Deegaanka oo doorashadii qof iyo cod lagu doortay sannadkii hore.

Weerarka ayaa yimi markii ay is wada sharrexeen duqa iyo ku-xigeenka degmada oo labaduba ka wada tirsan ururka dowladda ee Kaah oo iyagu codad badan ka heley degmadan Eyl.

Waan-waan xal loogu raadinayo xaaladda ayaa socota, jawiga magaaladuna waa mid deggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here