Wax Ka Ogow Qaabka Jidhkaagu Iskaga Difaaci Karo Cudurka Dilaaga Ah Ee Coronavirus

0
488

Wax Ka Ogow Qaabka Jidhkaagu Iskaga Difaaci Karo Cudurka Dilaaga Ah Ee Coronavirus

Seynisyahanno ku sugan dalka Australia ayaa sharraxaad buuxda ka bixiyay qaabka uu jirka isaga difaaca ulana dagaallamayo cudurka Covid-19.

Cilmi baaristooda ay soo saareen oo lagu daabacay wargeyska Nature Medicine journal, ayaa muujineya in dadka ay uga caafimaadayaan Caabuqa Corona isla sida ay uga reystaan hargabka.

Illaa afar qeybood oo ka mid ah unugyada difaaca jirka ayey sheegeen in ay durbadiiba u howl galaan in ay la dagaallamaan fayraska, isla marka uu jirka soo galaba.

Khubarada ayaa sheegay in howshan ay sidoo kale gacan ka geysan karto in si dhakhso ah loo helo tallaalka cudurkan.

Guud ahaan dunida, waxaa la xaqiijiyay in Caabuqan uu ku dhacay isku darka 3,663,251 qof, waxaana u dhigtay qiyaastii 252,749 qof, tan iyo markii uu dillaacay.

“Xogtan shaaca laga qaaday waa muhiim, sababtoo ah waa markii ugu horreysay ee aan fahmeyno habka uu difaaca jirkeennu ula dagaallamayo Fayraskan,” sidaas waxaa tiri Prof Katherine Kedzierska, oo ka mid ah seynisyahannada wax ka qoray cilmi baaristan.

Cilmi-baaristan oo lagu sameeyay xarunta Peter Doherty ee magaalada Melbourne waxaa si weyn u ammaanay khubarada kale, mid ka mid ahna wuxuuba ku tilmaamay “arrin culeyska ka qaadeysa”.
Dad fara badan ayaa ka caafimaaday Covid-19, taas oo micnaheedu yahay in horayba loo sii ogaa inuu difaaca jirka ku guuleysan karo dagaalka ka dhanka ah Fayraska Corona.

Laakiin markii ugu horreysay, daraasaddan waxaa si toos ah loogu ogaaday afar qeybood oo ka mid ah unugyada difaaca jirka oo diyaar u noqonaya dagaalka ka dhanka ah Covid-19.

Waxay Seynisyahannada arrintan ku ogaadeen iyagoo dabagal ku sameynaya qof bukaan ah oo uu cudurkan ku dhacay, kaas oo xanuunno kale aan horay usii qabin.

Qofkaas waa haweeney 47 sano jir ah oo ka timid magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, waxayna tagtay isbitaal ku yaalla Australia.

Waxay fayraska uga reysatay 14 maalmood gudahood.

Prof Kedzierska ayaa BBC-da u sheegtay in kooxdeeda ay baaritaan ku sameeyeen “dhammaan unugyada difaaca” ee bukaankan.

Saddex maalmood ka hor inta aysan haweeneydan billaabin inay soo reysato, waxaa la arkay unugyo gaar ah oo shaqo ka dhex wada habka qulqulka dhiiggeeda.

Waxaa la ogaaday in unugyadaas ay howsha ku guda jireen ay ahayd la dagaallanka fayraska, sida ay sheegtay Prof Kedzierska.
“Aad baan ugu faraxsan nahay natiijadan – iyo xaqiiqda ah in ugugyadaas aan aqoonsannay in ay ku jireen dagaalka ka dhanka ah cudurka”, ayey tiri iyadoo la hadleysay BBC-da.

In ka badan toban seynisyahan ayaa muddo afar isbuuc ah u shaqeynayay si aan kala joogsi iyo nasasho lahayn, si ay daraasaddan muhiimka ah usoo saaraan.

Maxay arrintan naga caawin kartaa?
In la ogaado goorta ay unugyada difaaca jirka u istaagayaan la dagaallanka cudurka waxay naga caawineysaa in la ogaado qaabka uu caabuqan u shaqeeyo”, ayuu yiri Prof Bruce Thompson, oo ah seynisyahan ka tirsan Jaamacada Swinburne University of Technology.

“Marka aad ogaatid qaababka kala duwan ee ay jawaabta jirka u dhacdo, waxaad saadaalin kartaa xilliga aad ka reysaneysid Caabuqa,” ayuu yiri Prof Thompson, oo la hadlayay BBC-da.

Wasiirka Caafimaadka ee Australia Greg Hunt ayaa sheegay in cilmibaaristan natiijadeeda ay gacan ka geysan karto in si dhakhso ah loo soo saaro tallaal lagula tacaalo Caabuqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here