Wasiirka Waxbarashada JSL oo Sheegay in Sannadka ay Imtixaanka Shahaadiga ah e Fadhiisanayaan 40’000 oo Arday
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Prof Ismaaciil Ducaale Yuusuf oo golaha wasiiradda Somaliland warbixin ka siinayay xaaladda u diyaar-garawga Imtixaanka Shahaadiga aha ayaa sheegay in sannadkan ay Imtixaanka u fadhiisanayaan arday dhan 40’000, ah kuwaasi oo isugu jira (fasalka 8-daad H/DH iyo fasalka 4-aad ee Dugsiga Sare).
Wasiirka ayaa golaha wasiiradda u sheegay in ardayda inay dedaal iyo juhdi ku bixiyeen sannadkan sidii ay ula dagaalami lahaaayee Qishka ial markaana loo dhisi lahaa kalsoonida waxbarasho iyo nafeed ee ardayga.
Wasiirka ayaa golihiisa u sheegay in ay wacyigalin xoogan ka sameeyeen dhibaatada Qishka, taasi oo ay ka qayb ahaayeen ardayda Imtixaanka galaysa iyo waalidiintooda, sidoo kalena lagu baraarujiyay dhaawaca Qishku ku keenayay waxbarashada iyo mustaqbalka ardayga.
Wasiirka ayaa tilmaamay in wacyigalinta iyo ka hortaga dhibaatada Qishka ay kala kaashadeen wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta iyo warfaafinta, sim eel looga soo wada jeedsado Qishka.