Wasiirka Caafimaadka Dowladda Oo Fariin Ku Aadan COVID-19 U Dirtay Shacabka

0
357

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Oo Fariin Ku Aadan COVID-19 U Dirtay Shacabka

Wasiirka Caafimaadka iyoDaryeelka Bulshada XFS, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa mar kale ugu baaqday dadkaSoomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka sida dhaqsaha u faafa ee COVID-19.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo sheegtay in dowlladu ay wado dadaallo aan hakad laheyn oo lagu doonayo in laguyareeyo faafitaanka iyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo cudurka, ayaa caddeysayin wadajirka shacabka iyo dowladdu uu muhiim u yahay howsha socota.

Dowladda Soomaaliya oo daryeelka bulshada u yahay muhiimadda Koowaad ayaa dadaal xooggan ugu jirtaxakameynta cudurkaan COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya caalamka.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa Cudurka halista ah ee Coronavirus laga helay 286 Ruux, waxaana ugu geeriyooday 14 Qof, iyadoona dadka loogu baaqay inay qaatan tallooyinka Caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here