Wasaaradda caafimaadka Lubnaan oo shaacisay khasaaraha dhimashada duqayntii ugu dembaysay ee Beyruut

0
17

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan oo shaacisay khasaaraha dhimashada duqayntii ugu dembaysay ee Beyruut

Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in afar ruux ay ku dhinteen duqayn ka dhacday Koonfurta dalkaas.

Duqaynta ayaa haleeshay Isbitaal ay dowladdu leedahay halkaas oo ay wasaaradda caafimaadku dalka Lubnaan ay sheegtay in dadka dhintay ay labo carrruur ka mid yihiin.

Sida ay wakaalada Reuters u sheegeen ilo ka tirsan Isbitaalka, duqaynta ayaa ku dhacday qaybta gawaarida ee Sibitaalka Rafik Hariri University.

Saakiisha Lubnaan waxay sheegeen in tirada dadka dhaawacmay ay gaarayso ilaa afar iyo labaatan qof.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay weerarayaan xarumo xiriir la leh ururka Xisbullah.

Afhayeen u hadlay Israa’iil ayaa mar sii horreysay sheegay in dadka ka guuraan dhowr goobood oo ku yaalla koonfurta Beyruut.

Duqaynta xalay ayaa timi iyadoo Beyruut uu shalay gaaaray ergayga Madaxweyne Biden u qaabilsan Bariga Dhexe iyadoo sidoo kale dimplomaasiga ugu sarreeeya Maraykanka uu socdaalkiisi kow iyo tobnaand ku marayo gobolka.