Wariye U Dhashay Dalka Pakistan Oo Lagu Toogtay Kenya
Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in la toogtay weriye caan ah oo u dhashay dalka Pakistan.
Arshad Shariif ayaa xaley lagu toogtay magaalada Kajiado oo aan sidaa uga fogeyn Nairobi.
Afhayeenka booliska Kenya ayaa sheegay inay baarayaan sababta ka dambeysay dilka weriyaha.

HomeCaalamka
Wariye U Dhashay Dalka Pakistan Oo Lagu Toogtay Kenya
On Oct 24, 2022

Share
Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in la toogtay weriye caan ah oo u dhashay dalka Pakistan.
Arshad Shariif ayaa xaley lagu toogtay magaalada Kajiado oo aan sidaa uga fogeyn Nairobi.
Afhayeenka booliska Kenya ayaa sheegay inay baarayaan sababta ka dambeysay dilka weriyaha.
RELATED POSTS
RW Xamse Barre Oo Kulan Sagootin Ah U Sameeyay Safiirkii Imaaraadka U Fadhiyay Soomaaliya
Oct 25, 2022
Maxay Ka Wada Hadleen RW Xamse Xabdi Barre Iyo James Swan?
Oct 25, 2022
Mareykanka Oo Dacwad Kusoo Oogay Laba Sarkaal Oo Loo Malaynayo Inay Ka Tirsan Yihiin Sirdoonka Shiinaha
Oct 25, 2022
Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in weriyaha la toogtay xilli jidgooyo loo dhigay waddada isku xirta Nairobi iyo Magadi.
Xaaska weriyaha ayaa barta Twitter-ka ku xaqiijisay in seygeeda lagu toogtay gudaha Kenya.
Weriye Arshad Shariif ayaa warbixinno ka diyaarinayay eedeymo musuq maasuq iyo eedeymo ka dhan ah saraakiisha Pakistan taasoo horseeday in mas’uuliyiinta ay dhibsadeen.
Inta uusan dhiman weriyaha wuxuu ka shaqeynayay warbixin dabagal ah oo ay kasoo muuqanayeen weriyeyaal ka socda qeybo caalamka taasoo lagu eegayay eedeymaha ku aadan kooxo dambiilayaal ah oo abaabulan oo saraakiisha Pakistan xiriir la leh.