Warbaahinta Itoobiya Oo Baahisay Xogo Cusub Oo Ku Aaddan Dagaalka Al-Shabaab Iyo Dowlad Degaanka

0
291

Ciidamada dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa dilay 85 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab intii uu socday iska-horimaad ka dhacay xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya Isniintii, sida ay sheegtay idaacadda dowladda Ioobiya iyo taliye ka tirsan gobolka, maalmo kadib markii maleeshiyadani ay weerarro naadir ah ku qaadeen deegaankaas.

Dagaalkan ayaa sii kordhinaya dhibaatooyinka dhanka ammaanka ah ee uu wajahayo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo isku dayaya in uu damiyo kacdoonka ka socda gobolka Oromada, islamarkaana uu dejiyo macaaradka aan raali ka ahayn ee ku sugan gobolka Axmaarada, isla markaana uu wadahadallo nabadeed la bilaabo gobolka waqooyi ee Tigrayga.

Telefiishanka Itoobiya ee ITV ayaa sheegay in ciidamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay dileen 85 ka tirsan Al-Shabaab, tiro intaa ka badanna ay ku qabteen degmada Feerfeer oo ku dhow xadka Soomaaliya.

HomeWarar

On Jul 27, 2022

Share

RELATED POSTS
Laamaha Amniga Oo Ganacsatada Suuqa Bakaaraha U Sameeyay Ballan Qaad Ku Aaddan Ammaankooda

Jul 27, 2022
Taalibaan Oo Mar Kale Codsi U Dirsatay Dowladda Mareykanka

Jul 27, 2022
Axmed Madoobe Oo Magaacabay Wasiiro Iyo Ku Xigeeno

Jul 27, 2022
Taliye ka tirsan ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa sheegay in 85 ka tirsan Al-Shabaab ay dileen. Wakaalada wararka ee Reuters uma suurta galin in ay la xiriirto afhayeen u hadlay Al-Shabaab si ay uga hadlaan arrinkan.

Taliyahan ayaa sheegay in ciidamadoodu ay dileen guud ahaan 243 ka tirsan Al-Shabaab tan iyo markii kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ay weerareen laba tuulo Arbacadii la soo dhaafay, islamarkaana 22 ka mid ah askartiisa laga dilay dagaalkan.

Mid ka mid ah dadka ku nool Feerfeer ee xuduudka Soomaaliya ayaa sheegay in koox ka tirsan Al-Shabaab dib loogu soo celiyay Soomaaliya intii uu socday dagaalkii ka dhacay Itoobiya Isniintii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here