Wararkii Ugu Dambeeyey Tahriibayaal Soomaali ah ku geeriyooday dooni kula degtay Badda Mediterranean-ka

0
46

Tahriibayaal Soomaali ah ku geeriyooday dooni kula degtay Badda Mediterranean-ka

In ka badan 20 qof oo u dhalinyarro Soomaaliyeed ayaa geeriyooday, ka dib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay badda Mediterranean-ka, xilli ay rajo ka qabeen in ay gaareen Jaziiradda Palma ee dalka Spain.

Dadkaan ayaa la rumeysan yahay in ay u dhinteen haraad, nafaqo-darro, iyo qabow daran maadama doontii ay wateen ku luntay badweynta, maalmo badana ay xaaladaasi ku jireen.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in muhaajiriintaasi ka ambabaxeen xeebaha Waqooyiga Afrika dhowr maalmood kahor, iyaga oo u socday Yurub si ay u helaan nolol ka wanaagsan.

Laba qof oo kaliya ayaa ka badbaaday rakaabkii saarnaa doonta, Ilaalada baddu waxay sheegeen in labadaasi dhallinyaro ah hadda la geeyey xarun caafimaad oo ku taal Palma, halkaas oo ay ka helayaan daryeel caafimaad.

Booliska dalka Spain ayaa bilaabay baaritaan si loo aqoonsado meydadka dadka dhintay iyo in la helo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan meesha doontu ka baxday iyo xaaladihii sababay masiibadan.

Badda Mediterranean-ka ayaa weli marin u ah Tahriibayaasha doonaya in ay gaaraan qaaradda Yurub.