Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Ruushka yo Ukraine

0
264

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Ruushka yo Ukraine

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 6.5 milyan ay ku barakaceen gudaha Ukraine dagaal dartiis.

Madaxweynaha Shiinaha Xi ayaa u sheegay Biden dagaalka Ruushka iyo Ukraine in uusan ‘qofna dani ugu jirin’.

Ugu yaraan 816 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay Ukraine tan iyo markii ay bilowdeen iskahorimaadyada, Qaramada Midoobay ayaa sidaasi u sheegtay warbaahinta.

Duqeymaha Ruushka ayaa ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Kyiv iyo Kharkiv iyo Kramatorsk ee bariga, kuwaas oo sababay dhimasho, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine.

Gantaallo ayaa burburiyay warshad dayaaradaha lagu dayactiro oo u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Lviv ee galbeedka Ukraine, duqa magaalada Andriy Sadovy ayaa sidaas yidhi.

Ciidamada Ruushka iyo xulafada gooni u goosadka ayaa ku dagaalamaya bartamaha Mariupol “ka soo horjeeda wadaniyiinta”, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushka.

Maamulaha warbaahinta UK ayaa kala noqday shatiga kanaalka Ruushka ee RT, isaga oo tixraacaya xiriirinta Kremlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here