Wararkii ugu dambeeyay booqashada Madaxweyne Trump ee dalka Britain

0
607

Wararkii ugu dambeeyay booqashada Madaxweyne Trump ee dalka Britain

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo booqasho ku jooga dalka Britain ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britian Theresa May waxana shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen uu ku sheegay Madaxeyne Trump in uu taageersan yahay xukuumada May isagoo beeniyay war uu daabacay wargeyska The Sun.

Wargeyska The Sun ayaa daabacay saacado kahor inta aysan kulmin madaxda Maraykanka iyo Britain in uu Trump yiri “Theresa May waxa ay ku socotaa waddo qaldan  oo ah ka bixitaanka Midowga Yurub wayna diiday talooyin aan siiyay.”

Hase yeeshee shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen Trump iyo May guriga ay degen tahay ra’iisul  Wasaaraha Britain ayuu Madaxweyne Trump waxa uu si xoog leh ugu amaanay Theresa May isagoo ku tilmaamay inay tahay qof qabanaysa shaqo cajiib ah.

“Waxa walba oo aad sameysid annaga waa ay nala wanaagsan tahay,waana sidaas arrintu,Maraykanka waxa ay eegayaan sidii loo horumarin lahaa heshiisyada ganacsi ee labada dal, kulankeenuna waa fursad weyn oo aynu ka faa’ideysan karno.”ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Xilliga ay qabanayeen shirka jaraa’id Trump iyo May waxaa kumanaan ruux ay dhigayaan banaanbaxyo loogaga soo horjeedo Madaxweynaha  Maraykanka iyadoo wadooyinka magaalada London ay  inta badan xireen  dadka banaanbaxayay.

Kadib kulanka uu la yeeshay Madaxweyne Trump Ra’iisul Wasaare Theresa May ayaa waxa uu u safray qalcada Windsor halkaa oo  uu kula kulmay Boqorad Elizabeth.

Donald Trump ayaa noqday Madaxweynihii 12aad ee la kulma Boqorada 92 jirka  ah waxana kulankoodu uu ka dhacay halka ay dhowaan isku guursadeen wiilka ay ayeeyada u tahay ee Amiir Harry iyo Meghan Markle oo ah gabar Maraykan ah.

Madaxweyne Trump ayaa kulankaa kadib waxa uu duulay Scotland halkaa oo uu  joogayo illaa maalinta Axada inta uusan u safrin magaalada Helisinki halkaa oo uu kula kulmayo  Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here