WAR SIR AH : Maxaa Kalifay in Golaha Guurtidda Durduro Ku Meel-Mariyaan Wax-Ka-Badelka Iyo Kaabista Lagu Sameeyey Xeerka Isgaadhsiinta?
Mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii shalay durduro ku meel mariyey wax-ka-badelka iyo kaabista lagu sameynayo xeerka isgaadhsiinta Somaliland, oo maalinkii shalay ay golaha wakiilladu wax ka badel ku sameeyeen islamarkaana ay cod aqlabiyadda ku ansixiyeen.
Qodobada meesha laga saaray waxa ka mid in shirkadda Somcable kooto loogu xidho xadhiga Feber Optiga loo yaqaani oo hore gaar loogu xidhay.
73 mudane ayaa u codeeyey, cid ka amuustay may jirin, cid diideyna may jirin, gudoomiyuhuna muu codeyn, sidaasi ayaanu ku ansaxey.
Sidoo kale shirkada waa wayn ee Telesom iyo Somtel ayaa aad usoo dhsweeyey talaabadan ay qaadeen golaha guurtidu ee ay wadada ugu xaadheen ganacsiga xorta.