War ka soo baxay Sirdoonka Somalilan

0
14

War ka soo baxay Sirdoonka Somalilan

Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland oo lagu faafiyey barta X ee ay Hay’adaasi ayaa u dhignaa sidan; “Hay’adda Sirdoonka Qaranka waxay bulshada Somalilland iyo cid kasta oo ay khuseyso u caddeynaysaa in xogaha ku saabsan “Bedel Ciidan” ee lagu baahiyey baraha bulshadu gebi ahaanba tahay mid been-abuur ah, isla markaana aan ka soo bixin Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxay hay’adda Sirdoonku bilowday baadhitaan ku saabsan sifaha qoraalka been-abuurku u soo baxay iyo ciddii ka dambaysay. waxaana laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan sida ugu dhakhsaha badan cid kasta oo faafisay warkan been abuurka ah kuwa jooga dalka ama dibadda.

 

Hay’adda Sirdoonka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay bulshada uga digaysaa inay ka fogaadaan faafinta xogaha Hay’adda Sirdoonka iyo hay’addaha kale ee amaanka, qofkii lagu helana sharciga la horgeyn doono. “Nacaska Sharcigu uma gargaaro” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland.