Wafdi ka socda Turkiga oo Muqdisho kusoo wajahan

0
29

Wafdi ka socda Turkiga oo Muqdisho kusoo wajahan

Wafdi sare oo ka socda Dowladda Turkiga ayaa kusoo wajahan Magaalada Muqdisho, xubnahaan ayaa ka shaqeynaya qaban-qaabinta safarta Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu dhowaan shaaciyay in uu horraanta bishaan ku imaanayo Soomaaliya.

Warbaahinta Turkiga ayaa hadal heysa wafdigaan oo saacadaha soo socda usoo ambabaxaya Magaalada Muqdisho si kulamo hordhac ah ula qaataan Madaxda Dowladda Federaalka iyo howlwadeennada ku sugan Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Waqtiga rasmiga ah ee Madaxweynaha Turkiga uu kusoo aaddan yahay Magaalada Muqdisho, hab maamuuska soo dhaweyntiisa iyo wadashaqeynta Guddiga ka imaanaya Dowladda Federaalka ee soo dhaweynta Erdogan u xilsaaran ayaa la isla dejin doonnaa.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa marka uu safar ku yimaado Muqdisho sidoo kale sii mari doonna Magaalada Addis Ababa ee Itoobiya sida uu ku sheegay qoraal uu kol hore soo geliyay Bartiisa X ee horay loo oran jiray Twitter.

Erdogan ayaa safarkiisii ugu horreeyay Soomaaliya ku yimid Bishii Agoosto sanadkii 2011 isaga oo ah Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, xiligaas xaalad adag oo dhanka abaaraha ah ayaa ka jirtay Dalka iyada oo Muqdisho ay kusoo carareen Dadkii naftooda kala soo baxday Gobollada.

Kaalin muuqata ayuu ka qaatay gacansiinta Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd ee xiligaas jirtay, waxaana Dekedda Muqdisho kusoo xirtay maraakiib gargaar bani aadamnimo waday, waxa uu jebiyay gidaarkii adkaa ee hortaagnaa kaalmada Soomaaliya.

2015 & 2016 ayuu markale booqasho ku yimid Soomaaliya, waxa uu xariga ka jaray Safaaradda ugu weyn Turkiga uu ka sameystay Dal kamid ah kuwa saaxiibada ay yihiin kaddib markii Dowladda Federaalka ay Muqdisho ka siisay dhul baaxad weyn.