Waddooyinka Sweden Oo Holcaya Ka Dib Qalalaase Ka Dhashay Gubidda Kitaabka Quraanka Kariimka Ah.

0
510
Smoke billows from a burning car during a riot ahead of a demonstration planned by Danish anti-Muslim politician Rasmus Paludan and his Stram Kurs party, which was to include a burning of the Muslim holy book Koran, in Navestad, Norrkoping, Sweden April 17, 2022, in this handout image obtained by Reuters on April 17, 2022. Ulf Wigh/Wighsnews/Handout via REUTERS

Waddooyinka Sweden Oo Holcaya Ka Dib Qalalaase Ka Dhashay Gubidda Kitaabka Quraanka Kariimka Ah.

Booliiska Sweden ayaa ku howlan daminta xiisad ka dhalatay isku day ay sameysay koox kasoo horjeeda soo galootiga iyo Muslimiinta oo uu hor kacayo cunsuri u dhashay Dalka Denmar oo lagu magacaabo Rasmus Paludan oo isku dayday in ay gubto Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Muslimiin ka falceliyay arrintaas ayaa isugu soo baxay waddooyinka Waaweyn ee Caasimadda iyo Degmooyinka kale ay ku badan yihiin Muslimiinta si ay u muujiyaan caradooda ka dhalatay ficilka Paludan ee ka dhanka ah Musxafka Qur’aanka Kariimka.

Warbaahinta Maxaliga ah ayaa sheegtay in 3 ruux ay ku dhaawacmeen Magaalada Norrköping Gobolka Östergötland ee dhaca Galbeedka Sweden, waxaa dab la qabadsiiyay dhowr Baabuur halka Booliisku uu xiray in ka badan 20 ruux.

Booliiska qudhiisa waxaa laga dhaawacay in ka badan 20 askari, halka laga burburiyay Gawaaridii ay ku howlgalayeen dibadbaxyada oo xooggooda socday 4tii cisho lasoo dhaafay sida ay sheegeen saraakiil katirsan Booliiska Sweden.

Tallaabada Booliiska uma suuragelin uu joogsado dibadbaxa waxaase taagan dareen ka dhashay isku dayga Rasmus Paludan uu kooxaha kasoo horjeeda Muslimiinta ugu bandhigay in ay gubaan kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Waa Kuma Rasmus Paladun?

Rasmus Paladun waxa uu u dhashay Denmark waxa uu heystaa dhalasho labaad oo ah Dalka Sweden, waa nin caadeystay in uu sameeyo kicinta Muslimiinta isaga oo sameeyay ficilo ka dhan ah oo intooda badan ka dhacay Dalka uu ka heysto dhalashada 1aad ee Denmark.

Taliyaha Booliska Sweden Anders Thornberg ayaa sheegay in rabshadaha ay la tacaamulaan kana hortagaan balse kan uu ka duwan yahay rabashadihii ay arki jireen, waxa uu soo jeediyay in wax laga qabto waxyaabaha sababta u ah qulqulatooyinka taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here