Waddan Yurub ku yaalla oo lacag ku bixinaya in la dego qaybo ka mid ah dalkiisa
Dowladda Ireland ayaa wadda qorshe ay kor ugu qaadayso nolosha dadka ku nool in ka badan labaatan jasiiradood oo fogfog oo ku yaalla badweynta Atlaantigga ee galbeedka dalkaas.
Dadka halkaa u guuraya ayaa lagu xiray shuruudo si ay u helaan deeq lacageed oo dhan 92,000 oo doollar oo si gaar ah loo siinayo iibsadayaasha guryaha iyo dhulka. Lacagaha la siinayo dadka halkaas deegaan ahaanta ugu guuraya waxaa lagu bixin doonaa dhismaha iyo dib u habeynta guryaha horey loo dayacay.
Dadka jasiiradaha hadda ku nool ayaa loo sheegay in aysan jirin wax xaddidaad ah oo ku xiran dhulka iyo guryaha marka ay timaaddo cidda iibsaneysa.
Jasiiradaha waxaa ka mid ah Inis Mór, waana mid ka mid ah jasiiradaha ku yaalla xeebta galbeed ee Ireland, oo ah goobo qurux badan oo sidoo kale ay ku yaallaan goobo loo dalxiis tago kuna teedsan buuro iyo xeebo.
Labaatankii sano ee la soo dhaafay tirada dadka ku nool jaziiradahaan ayaa sii yaraaneysay, laakin qorshaha ay hadda waddo dowladda Ireland ayaa ah in ay halkaa gayso dad badan.
Sida ay tilmaameyso siyaasadda cusub ee dowladda Ireland ka leedahay jasiiradahaan intii u dhaxeysay 1996-kii ilaa 2016, dadka ku nool aaggan ayaa la ogaaday inay hoos u dhacday 12.8%. Warbixinnada qaar ayaa sheegaya in dhalinyaradu ku yaryihiin aaggan
Inkasta oo Jasiiradahaan ay qurux badan yihiin, haddana isku xirnaashaha muhiimka u ah nolasha sida buundoooyin iyo waddooyin hagaagsan ma lahan, waana mid ka mid ah caqabadaha halkaa ka jira sida ay dowladdu sheegtay.
Qorshaha u guuurista jasiiradaha ayaa waxaa ku gedaaman dhibaatooyin marka la eego heerarka hoose ee kaabayaasha iyo kelinimada badan ee halka ajirta. Dad badan ayaana laga yaabaa in aysan u noqon sida ay jecelyihiin.
Ujeedka ay ka leedahay dowladdu tillaabadaan ayaa ah in ay soo nooleyso jasiiradahan isla markaana ay halkaa ku noolaadaan dadka la geeyo si dalxiisayaasha halkaa booqanayana ay u kordhaan, loogana dhigo aag deegaan ahaan rasmi ah.
Sidoo kale dowladdda ayaa adkeynaysa in la qaddariyo dhaqanka iyo hiddaha u gaarka ah dadka deegaanka.
Si kastaba ha ahaatee, jasiiradaha ayaa muhiim u ah dalxiiska, iyadoo in ka badan 300,000 oo qof ay booqasho ku tagaan sannadkii.
Qorshahaan dowladda Ireland ay dadka ku dejineyso jasiiradaha ayaa hadal hayn badan ka dhaliyay gudaha iyo meelo ka baxsan dalkaas, iyadoo meelaha qaar dadku isku dhiiro galinayaan in ay ka faaiideystaan furasaddan.
Howshaan ayaa sida la shaaciyay bilaabaneysa bisha July ee nagu soo aaddan sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta gudaha.