Waddamadee ahaayeen kuwii uga digay Xamaas inuu ku soo socdo weerar ay Israa’iil ku beegsanayso xaruntooda Dooxa

0
47

Waddamadee ahaayeen kuwii uga digay Xamaas inuu ku soo socdo weerar ay Israa’iil ku beegsanayso xaruntooda Dooxa

Xubnaha Turkiga iyo Masar u qaabilsan wadahadalada Xamaas ayaa uga digay hoggaanka garabka siyaasadeed ee ururka in ay adkeeyaan ammaanka meelaha ay ku qabsanayaan kulamadooda toddobaadyo ka hor inta aysan Israa’iil ku weerarin Dooxa, sidaasina waxaa sheegay wargeyska The Wall Street Journal. Wargeyska ayaa sidoo kale wareysiyo ka qaaday saraakiil ka tirsan Israa’iil, Mareykanka, Qatar iyo dalal kale oo Carbeed.

Sida warbixinta lagu sheegay waxaa weerarka ka qeybgalay toban diyaaradood oo u adeegsaday guriga ku yaal Qatar gantaalada meelaha fog wax ka duqeeya. Guriga la duqeeyay waxaa ku sugnaa hoggaamiyayaasha garabka siyaasadeed ee Xamaas kuwaas oo ka doodayay soo jeedintii ugu dambeysay ee xabad joojinta Gaza.