Wadaadkii aan dawo dhaqameedka ugu tagay ayaa i kufsaday’
Xarumaha lagu bixiyo dawo dhaqameedyada loogu tala galay dadka isku buuqay ayaa dad badan oo dalxiiseyaal ah soo jiidanayay marba marka kasii dambeysa. Laakiin eedeymo isdabajoog ah ayaa lagu muujiyay fadeexad toosh ku ifisay dhinaca madow ee goobahaas.
Digniin: Qormadan waxay faahfaahineysaa eedeymo la xiriira falal kufsi ah
Rebekah waxay markii ugu horreysay tijaabisay xarun noocaas ah sanadkii 2015-kii, markaasoo ay safar dalxiis ah ku joogtay waddanka Peru.
“Markii aan maqlay howsha dawo dhaqameedka ah ee ka socotay waan xiiseeyay waxaana go’aansaday inaan tijaabiyo”, ayey tiri Rebekah, oo ah gabar u dhalatay New Zealand oo dhowr iyo labaatan jir ah, kana codsaday BBC-da inaan magaceeda oo saddexan a adeegsanin.
“Marka waxaan helay mid ka mid ah xarumahaas, way ila fiicneyd aad baana uga helay”, ayey tiri, iyadoo sii wadatay sheekadeeda.
Inta badan xarumahan, oo loo yaqaanno “Ayahuasca” waxaa la aaminsan yahay in lagu xalliyo dhibaatooyinka dhinaca maskaxda, walwalka iyo dib usoo celinta xusuusta luntay.
Wadaaddada halkaas jooga ayaa dadka u taga cabsiiya waxyaabo ay ka sameeyaan dhir kala duwan.
Dhaqanka ku saabsan in habkaas dadka lagu dabiibo waa mid ay qabaa’ilka gobolkaas ku nool soo wadeen muddo aad u dheer.
Dadka dalxiiseyaasha ah ayaa inta badan goobahaas u taga si looga daweeyo dhibaatooyinka ka heysta dhinaca maskaxda.
Markii dadka la siiyo dawooyinka la qasay, saacad barkeed ama wax la mid ah ka dib waxaa billowda fal-galka daawada, qofkuna wuxuu billaabaa inuu matago ama mararka qaar shubmo.
Wadaadka daweyntaas ku howlan ayaa markaas ka dib billaabaya inuu ku heeso halkudhigyo u gaar ah dhaqankaas.
Markii ugu horreysay ee ay Rebekah halkaas tageysay waxay ahayd haweeneyda kaliya ee goobta joogtay, waxayna dareentay in ninka wadaadka ah uu si gaar ah u daneynayay iyada.
“Qaabka uu ii daweynayay wuxuu ahaa mid ka duwan sida dadka kale, anigana wax shaki ah ima galin markii hore. Laakiin hadda markii aan dib u xasuusto waan gartaa”, ayey tiri.
Hal sano ka dib, Rebekah oo markan khibrad u leh habka dawo dhaqameedka ayaa dib ugu laabatay Peru, waxayna tagtay isla xaruntii, sidoo kalena waxaa ku sugnaa isla wadaadkii horay u daweynayay.
Mar kale, waxay sheegtay inuu u daweeyay qaab aad uga duwan sida dadka kale. Howshiisu waxay ka badneyd daweynta caadiga ah. Markii dambena wuxuu billaabay inuu isku dayo sidii uu wax ugu sheegan lahaa Rebekah.
“Wuxuu si joogto ah iigu sheegayay inuu dhibaato badan qabay”, ayey tiri, “wuxuuna ii sheegay inuu cillad ku qabay dhinaca xaaskiisa oo ay gogosha ku qancin weysay, sidaas awgeedna aan anigu ahay qofka kaliya ee dhankaas ka daaweyn kara”.
Rebekah markaas waxay ahayd 20 jir, halka wadaadka dawo dhaqameedka sameynayayna ay da’diisu kor u dhaafeysay 50 sano.
“Wuxuu sidoo kale ii ballan qaaday inuu awood badan isiin doono, haddii aan xiriirkiisa ka aqbalo – halka xaaskiisuna ay joogtay meel aan ka fogeyn xarunta”.
Rebekah waxay sheegtay in wadaad dhaqameedka uu ku sameeyay tacaddiyo dhinaca galmada ah, isagoo siyaabo kala duwan isugu dayaya inuu jirkeeda ku xad-gudbo.
“Waa wax aad u xun”, ayey tiri. “Sababtoo ah wuxuu ahaa wadaad dhaqameed, anigana waxaan moodayay inuu qof sharaf leh yahay, waana aaminay”.
Ka dib markii tacaddiga noocaas ah loo geystay, Rebekah way ka tagtay goobtii – iyo waddankiiba: “Waxaan goostay tigidh duullimaad ah waana ka cararay meeshaas xun”, ayey tiri.
Gabadhan waxay BBC-da u sheegtay inay soo wajaheen dhibaatooyin badan oo dhinaca maskaxda ah, kuwaasoo ay ka qaadday dhacdadaas, iyadoo isweydiineysay sababta qof macallin ah ama wadaad ah uu falkaasoo kale u sameyn karo, awooddiisana ugu adeegsan karo.
Sida ay shegetay Rebekah, ninkaas wuxuu wali madax u yahay xarunta ay tagtay – taasoo dhammaan bogagga internet-ka lagu ammaano.
Marka ay sheekadeeda la wadaageysay BBC-da, waxaa la arki karay inay gacmaheeda jareynayeen. Nooma suurtagalin inaan si madaxbannaan u xaqiijinno arrintaas, isku dayo aan u sameynayna ma hirgalin.
Khibradaha ku saabsan tacaddiyada galmada ayaa u muuqda kuwo kusii fidaya caalamka. BBC-du waxay maqashay eedeymo badan oo ka dhan ah wadaad dhaqameedyo badan, waxaana la dhageystay markhaatiyo ka hadlaya kufsi, kuwaasoo sheekooyinkooda kusoo bandhiga baraha bulshada.
Mid ka mid ah ragga uu magacooda soo noqnoqdo ee lagu eedeeyo tacaddiyada galmada waa Guillermo Arévalo, oo isguna ah wadaad ay dadka u doontaan dawooyinka loo maro hab dhaqameedka, una dhashay waddanka Peru.
“Canada ayuu yimid marar badan”, ayey tiri haweeney BBC-da u warrantay oo da’deeda ay tahay 40-meeyo, taasoo aan magaceeda ka dhignay Anna.
Waxay noo sheegtay inuu qofkiiba kula kulmo lacag dhan C$300 oo doolarka Canada ah oo u dhiganta £175 gini.
Anna, oo marar badan daneyneysay inay hesho dawooyin ay ku baddalato daroogada ay isticmaasho, ayaa rajeyneysay inay xarumaha dawo dhaqameedka ka caawin doonaan sidii ay uga hari lahayd daroogada ay la qabsatay ee nooceedu yahay heroin-ta.
Markii ugu horreysay way la dhacday howsha Arévalo.
Laakiin waxay noo sheegtay in maalin isagoo dawooyinka uu diyaariyay siinaya uu ku sameeyay xadgudub dhinaca jinsiga ah, gacmihiisana uu la galay meel walba oo jirkeeda ka mid ah, oo xitaa xubnaheeda taranka ay ka mid yihiin.
“Waxaan ku jirnay qol mugdi ah oo aan daaqado lahayn, dadka ku jiray marka ay dawada qaataan qaarkood way iska hadaaqayeen, wax kasta oo ay sheeganna waxaa loo heystay inay ka keeneyso dawada la siiyay. Laakiin aniga waxaan aad ugu jah wareersanaa sababta uu qaabkaas iila dhaqmayay”, ayey tiri.
Arévalo, oo 71 jir ah wuxuu beeniyay eedeymahaas.
“Ma aqbalayo eedeymahaas, sababtoo ah ma aha kuwo xaqiiq ah”, ayuu yiri isagoo si adag u hadlayay. “Waayo dadku mararka qaar way ku qarwaan waxyaabaha noocan oo kale ah”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Markii aan si toos ah u weydiinnay eedeynta ay u jeedisay Anna, wuxuu sheegay inuusan xasuusanin in waligiis uu qof bukaan ah jirkiisa meelo aan loogu talagalin ka taabtay.
Inkastoo Arévalo uu inkiray inuu dad u geystay tacadiyo galmo, dhinaca kale wuxuu qiray in wadaaddo isaga ka hoos shaqeynayay ay galmo la sameeyeen “dad aan raalli ka ahayn”.
Wuxuu sheegay inuu xiriirka wadashaqeynta u jaray wadaaddada noocaas ah.
Khibradda ay Anna u leedahay tacaddiyada laga geysto xarumaha dawo dhaqameedka kuma eka oo kaliya Guillermo Arévalo.
Iyadoo dhibaatadaas ka martay ayey wali sii wadday inaysan ka harin faa’iidada laga heli karo dawada.
Waxay sheegtay in sanadkii 2014-kii uu kufsaday nin wadaad ah oo dawo dhaqameed u sameynayay, kaasoo ay ugu tagtay xarun ku taalla waddanka Peru.
Ninkaas ayey sheegtay inuu qaraabo la yahay Arévalo qudhiisa.
Iyadoo dhacdadaas ka warrameysa ayey sheegtay in ay “lama filaan la noqotay”, “ayna u oggolaatay inuu sameeyo wax kasta oo uu rabay”.
Emily Sinclair, oo ah ardayad British ah oo cilmi baaris ka sameyneysa xarumaha dawo dhaqameedka ayaa qeyb ka ah koox isku dayeysa inay wacyigalin ka sameeyaan dhibaatada ku saabsan tacaddiyada galmada ee xarumahaas laga geysto.
Rebekah iyo Anna waxay qisooyinkooda u sheegeen rajo ay ka qabaan in dumarka kale laga badbaadiyo tacaddiga noocaas ah.
“Waxay ila tahay in waxa kaliya ee aan sameyn karno uu yahay inaan ka hadalno wixii nagu dhacay, aana xaqiijinno in dadka kale ay ogaadaan inay waxaas jiraan”, ayey tiri Rebekah.