Waa tuma Fiona Lortan, ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya?

0
429

Waa tuma Fiona Lortan, ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa Fiona Lortan u magacaabay ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya kaddib markii Dowladda Federaalka ay ceyrisay Simon Malungo oo xilkiisa ku waayay kaddib markii uu isku dayay in uu marin habaabiyo Shacab Ciidamada Uganda ay ku dileen Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Deegaanka Golweyn.

Ciidamada Uganda ayaa si bareer ah u dilay Dadkaan rayidka ah 10kii August 2021 waxaana ay kala soo dhex baxeen Beer ay ku sugnaayeen, AMISOM way inkirtay balse maalmo kaddib ayay qiratay in askarteeda dad rayid ah ay dileen.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa 9kii November 2021 ku faah-faahiyay sababta Simon Mulongo dalka looga eryay, balse waxa uu ku sheegay go’aan laga fursan waayay.

Simon oo wareysi siiyay mid ka mid ah warbaahinta maxalliga ee Uganda xiligaas waxa uu fajac ku tilmaamay go’aanka dowladda. Waxa uuna sheegay in in uusan garanayn sababta looga ceyriyay dalka, isaga oo ku andacooday in warqadda dalka looga eryay aan la faah-faahin sida uu hadalka u dhigay.

12kii November 2021, Maxkamad militari oo ay goobjoog ka ahaayeen Saraakiil katirsan Dowladda Uganda oo Muqdisho u yimid maxkamadeynta ciidaankaas iyo saraakiisha hoggaamineysay ayaa xukunno ku ridday.

Simon Malungo oo dhowr jeer isku dayay in uu ka xuubsiibto go’aanka Dowladda Soomaaliya dalka uga ceyrisay ayaa iska dhigay Nin ka madaxbannaan eedaha loo jeediyay, balse Xukuumadda Federaalka ayaa ku adkeysatay go’aankeeda.

Haddaba waa tuma Fiona Lortan?

Fiona Lortan waxa ay door muhiim ah ka qaadatay howlgallada nabad ilaalinta, Midowga Afrika oo damacsan in uu iska meero ceybka kasoo gaartay go’aankii lagu ceyriyay Simon waxa uu Haweeneydaan u xushay si ay u dardargeliso kaalinta AU-da ee Soomaaliya.

Waxa ay ku biirtay Midowga Afrika May 2002, waxa ay kasoo shaqeysay dhinacyada NABADDA, Amniga iyo boosas kala duwan iyada oo kasoo shaqeysay Dalalka Suudaan, Koofurta Suudaan iyo meelo kale oo ay u tagtay howlo shaqo oo loo diray.

Fiona Lortan waxa ay ahayd Ku-simaha Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ee Waaxda Nabadda iyo Amniga ee Arrimaha Siyaasadda (PAPS) ee Midowga Afrika balse wixii ka dambeeya magacaabisteeda waxa ay xoogga saari doontaa isku xirka Midowga Afrika & Soomaaliya.

Marwo Lortan waxa ay u dhalatay Koofur Afrika, heerkeeda Waxbarasho Bachelor of Arts iyo Master of Philosophy in Social and Political Theory oo ay ka qaadatay Jaamacadda Kwa-Zulu Natal ee Durban ee Koofur Afrika iyo Jaamacadda Cambridge ee Boqortooyada Ingiriiska..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here