Waa maxay caabuqa Shiinaha ka dillaacay ee walwalka ku haya dunida?

0
558

Waa maxay caabuqa Shiinaha ka dillaacay ee walwalka ku haya dunida?

Tirada dadka uu soo ritay fayraska ee dalka Shiinaha ayaa ka badan tan rasmiga ah ee ay saraakiisha dalkaas soo saareen, sida ay saynisyahanno u sheegeen BBC.
Waxaa jiray 45 kiis oo ay sheybaarradu xaqiijiyeen oo fayraska cusub ah, balse khubarrada UK ayaa ku qiyaasaya in tiradu ay tahay ilaa 1,700 oo kiis.
Labo qof ayaa la ogyahay inay u dhinteen caabuqa, oo bishii December lagu arkay magaalada Wuhan.
Sheybaarka waxaa fulisay Xarunta MRC ee taxliilisa cudurrada infekshanka sababa ee dunida oo saldhiggeedu yahay magaalada London, taas oo la talisa dowlado ay ka mid tahay UK iyo Ururka Caafimaadka Addunka.
Soomaaliya halis ma ugu jirtaa cudurka Ebola?
Maraykanka oo albaabada u xiraya xarun 3,000 oo bisadood lagu dilay
Dalalka Singapore iyo Hong Kong ayaa baaritaan ku sameynaya rakaabka diyaaradaha ka yimaada Wuhan, Mareykanka ayaana Jimcihii ku dhawaaqay tallaabooyin kuwaas la mid ah oo laga sameynayo garoomada San Francisco, Los Angeles iyo New York.
Sidee ayaa tirada loo xisaabiyay?
Tirada waxaa sii kordhiyay kiisaska kale ee laga helay dalalka kale.

Inkastoo fayrasku uu ka dillaacay magaalada Wuhan, waxaa jiray labo kiis oo kale oo laga helay Thailand iyo mid kale oo laga helay Japan.
Way adag tahay in la helo tirada saxda ah, balse bulshada gudaha iyo xogta duullimaadyada ayaa laga heli karaa fakrad ku saabsan caabuqa.
Garoonka Caalamiga ah ee Wuhan ayaa wuxuu u adeegaa ilaa 19 milyan oo qof, balse keliya 3,400 oo keliya ayaa maalin walba safra.
Xuquuqda Sawirka @MRC_Outbreak@MRC_OUTBREAK
Maxaa tan loola jeedaa?
Prof Neil Ferguson oo ah saynisyahan cudurrada dillaaca ku takhasusay ayaa yiri “weli maaha xilli la walwalo” balse toddobaad kahor aad ayuu uga walaacsanaa fayraska.
Saraakiisha Shiinaha ayaa sheegay inaysan jirin kiisas fayraska ah oo ay dadku is qaadsiinayeen caabuqa.
Taa beddelkeed, waxay sheegeen in caabuqu uu ka yimid xayawaanno jirran oo ku sugnaa suuqa Wuhan.
Prof Ferguson ayaa ku doodaya: “Dadku waa inay xisaabta ku darsadaan suurtogalnimada ah in dadku oo isku gudbiya caabuqa ay ka daran tahay sida uu haatan xaalku yahay.
Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption
Fayraska ayaa ka dillaacay magaalada Wuhan, oo koofur ka xigta Beijing
Waa maxay caabuqan?
Tijaabooyin badan oo laga qaaday bukaannada ayaa lagu baaray sheybaarka.
Saraakiisha Shiinaha iyo WHO ayaana sheegaya inay baaritaanka ku heleen in caabuqu uu yahay coronavirus.
Caabuqyada Coronavirus waxay ka tirsan yihiin caabuqyada kale, balse keliya lix ka mid ah (kan cusub ayaa toddoba ku ah) ayaa saameyn ku yeesha dadka.
Calaamadaha qofka ay ku dhacaan caabuqyadan waxaa ka mid ah hargab, iyo sidoo kale xanuun dhanka sambabbada ah, coronavirus ayaa 774 qof oo ka tirsanaa 8,098 qof oo fayrasku uu ku dhacay ku dilay Shiinaha sanadkii 2002.
Xuquuqda Sawirka @EcoHealthNYC@ECOHEALTHNYC
Caabuqa ayaa sababay in pneumonia ay ku dhacdo qaar ka mid ah bukaannada.
Maxay khubarrada kale yiraahdeen?
Dr Jeremy Farrar, oo ah agaasimaha hay`adda baaritaanka caafimaad ee Wellcome ayaa yiri: “Waxyaabo badan ayaa la filayaa inay ka soo baxaan caabuqan.
“Hubanti la`aan iyo farqi tirada u dhaxeeya ayaa jira, balse way caddahay inay jiraan dad fayraska isku gudbiyay.
“Kiisas badan ayaa laga soo sheegayaa Shiinaha iyo dalal kale, waxaana jira kiisas kale oo la filayo in lagu arko dalal kale.”
Prof Jonathan Ball, oo wax ka dhiga Jaamacadda Nottingham, ayaa yiri: “Waxa dhab ahaantii muhiimka ah waa in la ogaado in baaritaannada badan ee sheybaarrada lagu sameynayo ay adkeyneyso in la isu geeyo tirada saxda ah.

 

Bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here