Waa kuwee waddamada hawadooda ka mamnuucay diyaaradda Boeing 737?

0
577

Waa kuwee waddamada hawadooda ka mamnuucay diyaaradda Boeing 737?

Qaar ka mid ah dalalka reer Galbeedka ayaa soo saaray amar ay hawada dalalkooda uga mamnuucayaan inay ku duusho diyaaradda ay soo saarto shirkadda Boeing ee nooceedu yahay 737 MAX 8.

Waddamada Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay in aysan hawadooda soo galin karin diyaaraddan.

Urur ay ku mideysan yihiin duuliyeyaasha dalka Ingiriiska ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Axaddii lasoo dhaafay ay burburtay diyaarad noocaas ah oo ay isticmaaleysay shirkadda Ethiopian Airlines, taasoo ay ku geeriyoodeen dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii la socday oo isku darka tiradoodu ay gaareysay 157 ruux.

Waa markii labaad oo muddo ka yar 5 bilood uu burbur ku yimaado diyaaradda Boeing 737 Max 8, iyadoo labada jeerba ay dad ku dhinteen.

Hase ahaatee, mas’uuliyiinta dalka Mareykanka oo Boeing laga leeyahay ayaa wali ku adkeysanaya in diyaaradda amnigeeda la isku halleyn karo.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ku duulista diyaaradaha ay sii noqoneyso mid adag.

Wuxuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in Seynisyahannada Kumbuyuutarrada ay hadda ka muhiimsan yihiin duuliyeyaasha diyaaradaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here