Villa Somalia oo u dabbaaldegtey Natiijada ka soo bixi doonta dhegeysiga dacwadda Fahad Yaasiin ka furtay Maxkamadda sare.

0
476

Villa Somalia oo u dabbaaldegtey Natiijada ka soo bixi doonta dhegeysiga dacwadda Fahad Yaasiin ka furtay Maxkamadda sare.

Agaasimaha xiriirka iyo Warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyey qoraalka leh “19-April-2022, Cadceedda Sacabbo laguma qarin karo”! sida ay Mustaqbal Media ogaatay 19-April-2022, oo ah  Maalinta Talaada waxa suuragal ah in Maxkamaadda sare dhegeysato dacwadda ku saabsan Laalidda Natiijadii ka dhalatay doorashadii ka dhacday Beledweyne 20-Febraury-2022 ee kursiga HOP#086.

Xafiiska Garyaqaanka guud ee Dowladda ayaa dalbaday in Maxkmadda Sare ay gabi ahaan ka noqoto dacwadda kursiga Fahad Yaasiin  Daahir, taas badalkeedna ay aqbasho go’aanka Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal ee ahaa in doorashada kursiga HOP#086 lagu celiyo maaddaama ay soo baxday in si baalmarsan habraaca doorashada loo maamulay.

Garyaqaanka ayaa xusay in Cabtaha oo ah Fahad Daahir Axmed uusan cabashadiisa u gidbin guddiga xallinta Khilaafka iyo golaha Wadatashiga Qaranka oo leh awoodaha xal ka gaarista murranada la xariira doorashada dadban hayeeshee taas beddelkeeda uu u cabtay Maxkamadda sare taas oo garyaqaanka guud ee dowladdu uu sheegay in ay tahay mid baalmarsan habraaca hirgelinta heshiisyada siyaasadeed ee lagu hagayo doorashooyinka dadban.

Maxkamadda sare xaq ma u leedahay dhegeysi cabashada la xariirta doorashada dadban?

Garyaqaanka guud waxa uu ku xusay jawaabta uu ka bixiyey dacwadda kursiga HOP#086 in habka Cabtuhu u maray cabashadiisa ay khilaafsan tahay habraaca hirgelinta heshiisyada siyaasadeed ee lagu hagayo doorashooyinka dadban isaga oo xusay in habraacaas aysan jirin meel lagu sheegay in muranada la xariira Kuraasta Baarlamaanka looga caban karo Maxkamad nuucii ay doontaba ha ahaatee.

27-July-2021 Xeer Ilaaliyaha Guud  ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa Baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax waxa uu u magacaabay Sedax Sarkaal oo ka kala tirsan Xafiiska Xeer ilaalinta, Boliiska & Nabad-Sugidda, Xeer Ilaaliyaha ayaa Faray Taliska NISA in uu la shaqeeyo Saraakiisha loo magacaabay baaritaanka Kiiska sidaas oo kalana waxa uu weydiistay in talisku taageero Wadda kasta oo lagu Gaari karo Danta Cadaaladda, Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida waxa uu maalmahaas aqbalay furidda Gal-Dacwadeed ay u soo gudbiyeen xubno katirsan Ehelka Ikraan Tahliil, hayeeshee Kiiskii oo dhan xeer illaalainta Maxkamadda Ciidanku iyada ayaa isaga jawaabtay islamarkaana dhinicii ku eedeysnaa Afduubka, dilka iyo Qarinta waxa ay shaacisay in aysan ku lug lahayn, dhibbanayaasha ayaa sheegay in ay aad uga Naxeen ulana yaabeen sida Maxkamaddu uga baahisay Telefeshinka Qaranka hadal saxafadeed la xariira Kiiska

Qaali Maxamuud Guhaad hooyada Ikraan, Fartuun Faarax Axmed oo eeddo u ah & Allaha u naxariisteen Xildhibaan Amina Maxamad Cabdi waxa ay dhammaantood ku eedeeyeen hay’adda Nabad-sugidda si gooni ah Fahad Daahir Axmed ama Fahad Yaasiin in uu ku lug leeyhay afduubka iyo dembiga la xiriira dilka Ikraan Tahliil Faarax, Qaali Maxamuud Guhaad ayaa 2 todobaad kaddib markii la waayey Ikraan waxa ay tiri: Gabadheyda 16-cishe ayaan la’ ahay, Kaamirooyinka ayaa soo qabtay gabadheyda oo raaceyso Gaari yar oo picked up  Toyota Hilux ah oo ka yimid dhinaca KM 0 (Kilo meter Zero) & Global Hotel dhexdooda, meeshaas gaari kasoo galay waa mid la yaqaano oo gacanka laga soo daayay, waxa aan ku tuhmayaa Nabadsugidda”

Qoyska Ikraan waxa uu  si gooni ah u tuhunsan yahay Taliyihii hore ee Nabad-sugidda Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane oo loo yaqaan Kullane Jiis iyo nin lagu magacaabo Wadneqabad, Natiijadii ka soo baxday doorashada

Kursiga Fahad ayaa la laalay halka  Cabdullaahi Kullane uu kamid noqday Golaha Shacabka islamarkaana maray dhaarta xubinimada Baarlamaanka 11aad JFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here