UN-Ka Oo Dalbaday In La Joojiyo Dagaalka Warshadda Nukliyeerka Ee Ukraine
In ka badan 10 qarax oo waa wayn ayaa laga diiwaangeliyay warshad nukliyeer oo wayn oo ku taal deegaan uu Ruushku haysto oo ku yaal koonfurta waddanka Ukraine.
Waxaa markale la duqeeyay, warshadda nukliyeerka ee Zaporizhzhiya ee waddanka Ukraine ayaa ah midda ugu weyn ee ku taal qaaradda Yurub, xilli mas’uuliyiinta Ruushka iyo Ukraine ay isku eedaynayaan weerrarka.
Wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa ku warrantay in 15 gantaal lala dhacay goobta.
Wakaaladdu waxa ay soo xiganaysaa sarkaal sheegay in gantaalladaasi ay ku soo agdhaceen qeybta qashinka lagu kaydiyo ee warshadda, iyo guri lagu xareeyo shidaalka nukliyeerka loo adeegsaday.