Ukraine Oo Codsi Lama Filaan Ah U Dirtay Ruushka Iyo Dilal Kale

0
597

Ukraine Oo Codsi Lama Filaan Ah U Dirtay Ruushka Iyo Dilal Kale

Ukraine ayaa codsatay inay kulan la yeelato Ruushka iyo dalal kale oo ka tirsan guddiga ammanka Yurub, si looga xaajoodo xiisadda sii xoogeysanaysa ee ka taagan xuduudda labada waddan.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa sheegay in Ruushka uu dhagha ka furaystay codsi rasmi ah oo ku aaddan inuu sharraxo sababta uu ciidamada tirada badan u geeyay xuduudda.

Waxa uu intaa raaciyay in tallaabada xigta ay tahay in dalkiisa uu diro codsi ku aaddan kulan dhaca 48 saacadood gudahood, si Ruushka loogala hadlo waxa uu damacsan yahay.

Xukuumadda Moscow ayaa marar badan beenisay inay duulaan ku tahay Ukraine, inkastoo ay ciidan ka badan 100,000 oo askari ay ku daabushay meel u dhaw xuduudda labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here