Ujeedada Shir Xisbiga Waddani Saaka Uu Ku Yeeshay Hargaysa

0
545

Ujeedada Shir Xisbiga Waddani Saaka Uu Ku Yeeshay Hargaysa

Shirka Guddida Fulinta ee Xisbiga WADDANI ayaa maanta ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Xisbiga.

Kulankan ayaa lagaga hadlay qorshaha Xisbiga ee saamaynta ka dhalatay masiibadii ka dhacday suuqa weyn ee Waaheen ee magaalada Hargeysa ee dabku baabi’iyay.

Geesta kalena Musharraxa Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Guddida Fulinta uga xog-warramay xaaladda guud ee dalka iyo safar ay muddo ku joogeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay kulamo kula yeesheen wakiillada Beesha Caalamka ee taageerta doorashooyinka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here