Uganda oo ciidan usoo dirtay Soomaaliya xili 10 cisho kaddib la baddelayo howlgalka AMISOM.

0
378

Uganda oo ciidan usoo dirtay Soomaaliya xili 10 cisho kaddib la baddelayo howlgalka AMISOM.

Dowladda Uganda ayaa Ciidan cusub usoo dirtay Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan howlgalka ATMIS ee lagu baddelayo kan AMISOM oo soo socday wixiii ka dambeeyay Janaayo 2007dii oo ku beegan waqtigii ugu horreeyay oo ciidan ka socda AU-da Muqdisho laga soo dadejiyay.

Taliyaha Ciidamada Difaaca Dalka Uganda (UPDF) Gen Wilson Mbasu Mbadi oo ka qaybgalay munaasabad lagu soo sagootiyay Kooxda 35aad (UGA BAG XXXV) ee loosoo diray Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidanka kale ee jooga ayaa la dardaarmay Askarta Uganda.

Gen. Wilson ayaa sheegay in waajibaadka saaran Ciidankaan qaatay tababarka u socday 4 bil looga baahan yahay uu yahay dhaqangelinta waxyaabihii lagu tusiyay Xarunta Tababarka ee taageerada Nabadda (Singo) Degmada Nakaseke.

“Shaqada saxda ah qabta marka aad Soomaaliya tagtaan, hubso in aad si nabad ah ku soo laabato oo ku dedaal, Al-Shabaab waa dhibaato weyn, waa in aad aad u feejigan tahay oo aad hubisaa in aysan haysan xorriyad ay ku abuuraan falal Argagaxiso oo badan” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda Gen Mbadi.

Taliyaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay in Ciidamada Uganda laga doonayo in ay ku dhaqmaan dhammaan anshaxa iyo waxyaabaha lagu tusiyay waqtiga tababarka uu u socday si tarjumaad wanaagsan ay uga bixiyaan askartaan nabad ilaalinta ay u wakiilatay Kampala.

“Ciidanka Difaaca Uganda UPFD waxaa loo aasaasay ilaalinta Anshaxa iyo fulinta adeeg huban oo noqon kara Danjire wanaagsan inta aad joogtaan Soomaaliya, iska ilaaliya Cudurada Faafa sida HIV/ADIS, Cagaarshowga & Covid-19 oo caalamka hadda ka jira” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Taliyaha Ciidanka Uganda.

Uganda ayaa fursadda ugu badan ku dhex leh howlgallada ka socda Soomaaliya, AMISOM waxaa ku metala Ciidan Militari & Booliis ah halka Xafiisyada Qaramada Midoobay ee Xalane ay ilaalo ka yihiin askar loo xiray Dharka UN-ka.

Ciidamadaan Uganda usoo dirtay Soomaaliya ayaa kusoo beegmay in xili 10 cisho kaddib oo ah 31-ka Maarso 2022 la baddeli doono Magaca Ciidamada AU-da ee AMISOM ku howlgallada waxaana loo baddeli doonaa howlgalka ATMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here