UGANDA : Jeneraal Katumba Wamaala Oo ahaa Wasiirkıı Hore Gaadiidka Weerar Khasaaro Dhaliyey Lagu Qaaday

0
352

UGANDA : Jeneraal Katumba Wamaala Oo ahaa Wasiirkıı Hore Gaadiidka Weerar Khasaaro Dhaliyey Lagu Qaaday

General Edward Katumba Wamaala oo ah Wasiirka Gaadiidka iyo Taliyihii hore ee Ciiddanka Difaaca ee Uganda ayaa lagu dhaawacay weerar lala beegsaday xilli uu saakayto marayey inta u dhexeysa Bukoto iyo Kiasasi ee nawaaxiga caasimadda dalkaasi ee Kampala.

Toogashadaasi waxaa ku dhaawacmay General Wamala, iyadoo ay gabadhiisa oo lagu magacaabi jirey Brenda iyo Dareewalkiisa ay ku geeriyoodeen dhacdadaasi.

Wararku waxay sheegayaan in General Wamala loola cararay Isbitaalka, si looga daaweeyo dhaawacyada rasaas kaga dhacay qeybo ka mid ah jirkiisa.

Weerarkaasi waxaa la sheegay inuu u muuqday Isku-day isaga lagu kharijin lahaa, iyadoo gaarigiisa lagu dhuftay 7 xabbo oo rasaas ah.

Dhinaca kale, General Katumba Wamaala waxa uu horey u soo noqday Taliyihii Ciiddanka Dhulka Uganda ee UPDF sanadaihii 2005-tii ilaa 2013-kii, wuxuuna door ku lahaa Ciiddankii Uganda ee Nabad-ilaalinta loogu soo diray Somalia sanadkii 2007-dii.

General Katumba Wamaala ayaa waxaa kale oo uu soo noqday Taliyihii Ciiddanka Boliska Uganda sanadihii 2001-dii ilaa 2005-tii, waxaana  tababar ku soo qaatay Kulliyadda US Army War College oo ku taalla magalladda Karlisle ee Gobalka Feniswlvaniya ee dalka Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here