Turkiga oo Tarxiilaya Muhaajiriin Ay Ku Jiraan Soomali

0
441

Turkiga oo Tarxiilaya Muhaajiriin Ay Ku Jiraan Soomali

Ciidamada Booliska dalka Turkiga ayaa magaalada Kırklareli ee waqooyi galbeed dalka Turkiga ku qabtay 49 tahriibayaal ah oo si sharci darro ah ku galay dalkaasi.

Sida laga soo xigtay wargeysyada Turkiga, ciidamada Booliska ee magaaladaasi ayaa qaaday tillaabooyin ku saleysan xogta ah in ay jiraan muhaajiriin sharci darro ah oo ku sugan tuulada Ahmler ee degmada Kovgaz iyo magaalada Kiyiköy ee degmada Fez.

Warar horudhac ah oo soo baxay ayaa sheegaya in 49-ka qof ee muhaajiriinta ah ee u kala dhashay dalalka Marooko, Falastiin, Soomaaliya iyo Afgaanistaan ee labada gobol ay si sharci darro ah ku galeen dalkaasi.

Sidoo kale, Booliska oo dadkaan adeegya caafimaad u fididyay ayaa la tilmaamay in dadka tahriibayaasha ah ku wareejiyeen Hay’adda Socdaalka dalkaasi Turkiga qeybteedi tarxiilka kuwaasi oo wadamada ay kazoo jeedaan ay qorsheenayaan inay dib ugu soo celiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here