Turkiga Oo Somalia Ugu Deeqay Mashiinada Neefsahada, Xili Dad U Dhinteen Oksijiin La’aan

0
335

Turkiga Oo Somalia Ugu Deeqay Mashiinada Neefsahada, Xili Dad U Dhinteen Oksijiin La’aan

Ururka Bisha Cas ee Turkiga ayaa waxaa 10 Marwaxadaha ama Qalabka Neefsashadda ugu deeqday Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Hadal-qoraal oo shalay ka soo baxay Safaaradda Turkishka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Mashiinadaasi loo adeegsan doono Qeybaha Daryeelka Khaaska (ICU), iyo inay kaalin ka qaataan La-dagaaanka Cuddurka COVID 19.

Madaxa Isbitaalka Martiini, C/risaaq Yuusuf Axmed waxa uu Dowladda Turkiga uga mahad celiyey Taageeradda ay ka geysanayaan La-dagaaanka COVID 19.


HomeWarar
Turkiga Oo Somalia Ugu Deeqay Mashiinada Neefsahada, Xili Dad U Dhinteen Oksijiin La’aan
By Radio Dalsan Reporter On Feb 27, 2021

Share
Ururka Bisha Cas ee Turkiga ayaa waxaa 10 Marwaxadaha ama Qalabka Neefsashadda ugu deeqday Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Hadal-qoraal oo shalay ka soo baxay Safaaradda Turkishka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Mashiinadaasi loo adeegsan doono Qeybaha Daryeelka Khaaska (ICU), iyo inay kaalin ka qaataan La-dagaaanka Cuddurka COVID 19.

Madaxa Isbitaalka Martiini, C/risaaq Yuusuf Axmed waxa uu Dowladda Turkiga uga mahad celiyey Taageeradda ay ka geysanayaan La-dagaaanka COVID 19.

AKHRISO
Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya

Feb 27, 2021
Sacuudiga oo ku gacan seyray kashifaadii uu sameeyay Mareykanka

Feb 27, 2021
Laamaha amniga oo gacanta ku dhigay Nin weerar ka geystay Galmudug

Feb 27, 2021
Isagoo khadka Telefoonka kula hadlayey Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu News Agency waxa uu tilmaamay inay Mashiinadaasi gacan ka geysan doonaan dadaalka loogu jiro Ka-hortaga COVID 19 ee gudaha Somalia.

Deeqda Turkiga ee Mashiinada lagu rakibo Bukaanadda la xanuunsan COVID 19 waxay ku soo beegantay kadib, markii bilowgii isbuucii hore ay Isbitaalladda Muqdisho soo wajahday Oksijiin la’aan.

Dowladda Federalka waxay horey uga codsatay Dowladda Turkiga inay ka taageeraan sidii Wershadda soo saarta Ogsijiinta looga hirgelin lahaa gudaha Somalia.

Si kastaba ha ahaatdee, Tiro-koobkii ugu dambeeyey ee Bukaanadda Soomaalida ee uu ku dhacay COVID 19 waxay gaarayaan 6,687 qof, iyadoo ay 3,784 ka bogdsadeen, halka ay 223 kalena u geeriyoodeen Xanuunkaasi Laayaanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here