Turkiga oo sheegay inuu helay mid kamid ah Maraakiibta awoodda u leh qodista Shidaalka

0
13

Turkiga oo sheegay inuu helay mid kamid ah Maraakiibta awoodda u leh qodista Shidaalka

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ay heshay maraakiib casri ah oo awood u leh qodida shidaalka iyo saliida ku jirta badda hoosteeda, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah, Alparslan Bayraktar.

 

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maraakiibta oo gaaraya labo mid kamid ah uu soo gaarey xeebaha degmada Taşucu ee gobolka Mersin.

 

Markabkani ayuu Turkiga iibsaday bishii Luulyo, taas oo tirada guud ee maraakiibta qodista Turkiga ka dhigi doonta lix, iyadoo dalku noqon doono kan afraad ee adduunka ee leh awoodda ugu weyn ee qodista badda qoto dheer.