Turkiga Oo Mishiinada Neefta Ku Wareejiyay Dowladda Somalia

0
415

Turkiga Oo Mishiinada Neefta Ku Wareejiyay Dowladda Somalia

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa waaberigii horey ee saakay waxaa kasoo degtay diyaarad ka timid dalka Turkig oo siday qalab Caafimaad kala duwan, taasi oo loogu deeqay dowladda Soomaaliya.

Diyaaradan oo ah midii saddexaad ee Turkiga u soo diray Soomaaliya ayaa waxaa ay siday qalaba Caafimaad oo kala duwan oo loogu talaglay in lagula dagaalamo Cudurka Coronavirus oo kiisas farabadan laga helay gudaha dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka oo ku sugnaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa halkaas ku soo dhaweeyay xubno ka socday Turkiga, iyagoona lagu wareejiyay deeq Caafimaad oo ka timid dalkaas.

Maalin kahor ayay aheyd markii Turkiga uu dowladda Soomaaliya ku wareejiyay qalab Caafimaad oo uu ku jiray Ogsijiinka lagu xiro dadka, iyadoona dowladda ay aad ugumahadcelisay Madaxweynaha Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa horay u shaacisay in Soomaaliya ay ugu talagaleen kaalmo caafimaad si ay ugula tacaasho xaladaha caafimaad iyo in ay xakamayso fafintaanka Virus-ka Corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here