Turkiga oo lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya

0
168

Turkiga oo lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya

Warsaxaafadeed ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Turkiga uu ku xad gudbay cunaqabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya, iyada oo lagu eedeeyay in ay geeyey Soomaaliya Diyaaradaha dagaalka aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan TB2, kuwaas hawgallo ka fuliyay dalka iyada oo aan lala socodsiin.

Sida laga soo xigtay guddiga khubarada arrimaha Soomaaliya ee u kuurgalaya xaaladda Soomaaliya, iyadoo la raacayo go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Turkigu wuxuu ku xadgudbay cunno-qabteynta hubka ee Qaramada Midoobay, kaddib markii uu keenay dayuuradaha Drones-ka ee Bayraktar oo hubaysan, kuwaasoo ay farsamaysay shirkad ay leeyihiin qoyska Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Sida lagu yiri warka ka soo baxay QM.

Xogta sirta ah ee ay heleen baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa tilmaamaya in Turkiga uu Muqdisho soo gaarsiiyay diyaaradaha Drones ee Bayraktar TB2 December 6, 2021 iyadoo la sii marsiiyay laba diyaaradood oo nooca xamuulka qaada ee Airbus A400M oo ay maamulaan ciidamada cirka Turkiga.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in saraakiil Soomaali ah uu tababar ku saabsan habka loo isticmaalo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uga socday dalka Turkiga horraantii bishii Maarso ee sannadkii 2021-ka, waxaana la sheegay in gacanta loo galiyay shan diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu farsameeyo Dalka Turkiga ayaa qeyb ka qaatay dagaalka ay Dowladda kula jirto Al-Shabaab, iyada oo duqeymo ka fuliyay qaar ka mid ah Gobollada Dhexe, xilli halkaas ay ka socdeen gulufka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here