TURKEY : Ilaaladda Xeebaha Oo Soo Badbaadiyay Ku Dhawaad 120 Qof

0
568

TURKEY : Ilaaladda Xeebaha Oo Soo Badbaadiyay Ku Dhawaad 120 Qof

laaladda Xeebaha Turkiga, ayaa badbaadiyay 117 qof magangalyo doon ah kuwaas oo dul sabaynayey biyaha Badweynta “Aegean see.” meel ka baxsan gobolka galbeedka Turkiga ee Izmir, laba dhacdo oo kala duwan ayay soo tebinayaan militarigaTurkiga, ka dib Markii ay ogaadeen doon ay ka buuxaan Dad Tahriibayaal ah oo dul sabanaya meel ka baxsan degmada Cesme.

Diyaarad kuwa  sahanka ah oo ka tirsan Ilaaladda Xeebaha Turkiga, ayaa helida dadkan ku wargelisay doomaha kormeeraya biyaha badda, kuwaa oo soo badbaadiyay 94 qof oo magangalyo doon ah.

Isla cutubyo ka tirsan ilaalada Xeebaha Turkiga, ayaa waxay soo badbaadiyeen Doon siday 23 qof oo tahriibayaal ahaa, kuwaas oo dul sabanayay meel ka baxsan degmada Dikili.

Hubin ka dib, waxaa la sheegay in dadkan tahriibayaasha ah lagu wareejiyay hay’adda socdaalka ee gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here