Trump oo Soogalootiga Maraykanka ku sugan u raraya Xabsigii uu tacadiga ku geystay Dalkiisa ee Guantanamo Bay

0
42

Maamulka Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sameeyay tallaabo uu ku qaadayo Dadka sida sharci darrada ah kusoo galay Dalkaas isaga oo geeyay Waddanka Cuba gaar ahaan Xabsiga caanka noqday 2001dii ee Guantanamo Bay.

 

Waxaa baraha Bulshada iyo Warbaahinta gudaha Maraykanka aad loo hadal hayaa sawirro laga soo qaaday dad lagu daabulay Diyaarad Militari kuwaas oo la geeyay Xabsigaan laga diiwaangeliyay tacadiga taariikhda galay ee Washington geysatay.

 

Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in Guantanamo Bay dadka la geeyay loogu heyn doonno si ka duwan Dadkii lagu xiray wixii ka dambeeyay 11kii September sanadkii 2001dii maadaama Dadkaas lagu tilmaamay in ay dambiyo culus galeen.

Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha gaar ahaan kuwa fadhigoodu yahay Dalka Maraykanka ayaa diiday adeegsiga Guantanamo Bay sabab la xiriirta in aanay la mahdi ama la bogaadin warbixinnadii laga soo gudbiyay maxaabiistii horay loogu xiray.

Amy Fischer oo ah Madaxa Qaxootiga & Arrimaha soogalootiga Hay’adda Amnesty International ee Dalka Maraykanka ayaa diidmo kala hortagtay tallaabadaan, waxa ay xustay in aanay habbooneen mahadhada ka diiwaangashay Xabsigaas.

“In Dadka soogalootiga ah ee loo daabulo Guantanamo waa xaalad aad looga walaaco, sharci ahaan waa xadgudub oo ma ahan tallaabo ku habboon qof magangalyo doon ahaa in halkaas la geeyo oo lagu hayo, tani waxa ay sii xoojineysaa in aanay weligiis la xirin oo ay sii jiraan xadgubuka ka dhanka ah aadanaha” Ayay Tiri Amy Fischer.

Dalal badan ayaa Madaxweyne Trump ka diiday in uu ku wareejiyo kuna hayo Soogalootiga sanadihii lasoo dhaafay sida tirakoob la’aanta ah u galay Dalkiisa, dhinaca qasbidda dadkaas waxaa diidan Hay’ado iyo xubno kale oo soo jeediyay in la helo hannaan kale oo dadkaas quluubta aanay dhaawacayn.