Trump Oo Saadaaliyay Tirada Dadka Mareykanka Uga Dhiman Doonto COVID-19

0
418

Trump Oo Saadaaliyay Tirada Dadka Mareykanka Uga Dhiman Doonto COVID-19

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa saadaaliyay in dad gaaraya 100,000 ay u dhiman doonan cudurka Cornavirus gudaha dalka Maraykanka.

Mar uu Trump ka hadlayay arrintan ayaa wuxuu dafiray in maamulkiisa ay ka gaabsadeen la tacaalidda cudurkan.

Dad ka badan 67,000 oo qof ayaa Maraykanka ugu geeriyooday Covid-19.

Balse Trump ayaa sheegay inay jirto rajada helidda talaalka cudurkan, iyada oo ay khubarada caafimadka aaminsanyihiin in talaalka uu qaadan karo 12 ilaa 18 bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here