Trump oo Ra’iisul Wasaaraha Australia ku dacweynaya Suxufi waydiiyay su’aalo uu dhibsaday

0
32

Trump oo Ra’iisul Wasaaraha Australia ku dacweynaya Suxufi waydiiyay su’aalo uu dhibsaday

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhibsaday su’aal uu weydiiyay Suxufiga lagu magacaabo John Lyons ka tirsan Hay’adda Warbaahinta Australian Broadcasting Corporation (ABC) oo la xiriirta kororka dhaqaalihiisa & damaciisa uu kusii joogayo Aqalka Cad.

Suxufiga ayaa si gaar ah u Donald Trump u waydiiyay isbaddelka dhaqaalihiisa wixii ka dambeeyay billowgii sanadkaan balse waxa uu si kooban ugu jawaabay in hantidiisa iyo maamulkeeda ay hayaan xubnaha qoyskiisa.

Mar kale ayuu John ku celiyay Madaxweyne Donald Trump sida uu Aqalka Cad ugu soo laaban karo marka uu dhammaysto muddo xileedkiisa maadaama 8 sano ka badan ama labo muddo xileed wax ka badan aan dastuurka Dalkiisa u ogolayn.