Trump oo qorshaynaya inuu ciidamo ku daabulo magaalo kale oo Maraykanka ah
Qorshaha madaxweyne Donald Trump uu ku doonayo in uu ciidamo ku geeyo Chicago waa ku takri fal awoodeed, guddoomiyaha xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Illinois ee dalka Mareykanka ayaa sheegay.
Ma jirto xaalad degdeg ah oo caddaynaysa in Ilaalada Qaranka loo dirayo Illinois madaxweynaha Maraykankuna “isku dayayo inuu soo saaro xiisad,” JB Pritzker ayaa bayaan ku sheegay.
Trump ayaa horey ugu daabulayey ilaa 2,000 oo askari magaalada Washington DC, halkaasoo sidoo kale dowladda hoose ay maamulaan xisbiga mucaaradka ah ee Dimuquraadiga, taasoo qeyb ka ah waxa uu ku tilmaamay mid ka dhan ah dambiyada ka dhaca magaalooyinka Mareykanka.
Jimcihii, Trump wuxuu sheegay inuu siyaasadda ka hirgelin doono Chicago iyo New York – labada magaalo ee kale ee waaweyn ee ay Dimuqraadigu gacanta ku hayaan.
Duqa magaalada Chicago Brandon Johnson ayaa ka jawaabay hadalka Trump, wuxuuna bayaan uu soo saaray ku sheegay in uusan helin wax macluumaad ah oo ku saabsan soo daabulidda ciidamada qaranka ee Chicago.