Trump oo lacagta ka jaray WHO kadib dagaalkii dhex maray isaga iyo TEDROS

0
447

Trump oo lacagta ka jaray WHO kadib dagaalkii dhex maray isaga iyo TEDROS

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii ku dhowaaqay inay hakinayaan maal-gelinta Ururuka Caafimaadka Adduunka ee WHO, oo uu ku eedeeyey qarinta heerka haliska cudurka COVID-19 ee dalka Shiinaha, ka hor inta uusan ku faafin caalamka.

Trump ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad ku sheegay inuu amrayo maamulkiisa in la joojiyo lacagta Mareykanka siiyo WHO “inta laga sameynayo dib u eegis ku saabsan kaalintii WHO ay ku lahayd si xun u maamuliadda iyo daboolidda faafitaanka Coronavirus.”

Sida uu Trump sheegay, WHO ayaa ka tagtay daah-furnaanta, taasi oo kordhisay faafitaanka cudurka ee Mareykanka.

Mareykanka waa dalka lacagta ugu badan ugu deeqa WHO, waxaana sanadkii tegay uu bixiyey 400 oo milyan oo dollar, halka China ay ka bixisay 44 milyan. Trump ayaa sheegay inay eegi doonaan waxa lacagtaas aadi jirtay WHO lagu sameynayo iminka.

“Ayada oo COVID-19 uu si caalami ah u faafayo, waxaan aad uga walaacsan nahay in deeqsinimada Mareykanka loo adeegsanayo sida ugu wanaagsan,” ayuu yiri Trump.

Trump ayaa toddobaadkii tegay weerar ku qaaday agaasimaha WHO Tedros Adhanom, isaga oo sheegay in WHO “ay u muuqato inay u eexaneyso China,” islamarkaana dowladdiisa “ay eegi doonto inay ka joojiso maal-gelinta,”

Trump ayaa sidoo kale shaki ka muujiyey sax ahaanshaha xogta China ee ku saabsan heerka dhimashada cudurka ee dalkaas, isagoo ku eedeeyey WHO inay ka caawiso Shiinaha inay qariyaan.

Agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo iska difaacay eedeynta Trump, ayaa ku baaqay midnimo iyo hakinta “siyaasadeynta” xasaraddan caafimaad ee caalamiga ah, isaga oo si gaar ah ugu booriyey Shiinaha iyo Mareykanka inay muujiyaan “hoggaan daacadnimo ah”.

Tedros, oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Itoobiya, waxa uu sidoo kale diiday eedeymaha Trump ee ah in WHO ay tahay hay’ad ay “China saldhig u tahay”, wuxuuna sheegay “inay ku dhow yihiin dal kasta.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here