Trump, iyo Madaxda Turkiga, Masar iyo Qatar Oo si Rasmi ah u Saxiixay Heshiiska Nabadda Qasa.
Trump, iyo hoggaamiyeyaasha Turkiga, Masar iyo Qatar ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska nabadda Qasa ee uu Trump soo diyaariyay. Marka heshiis nabadeed la saxiixo, taasi waxay ka dhigan tahay dhammaadka rasmiga ah ee dagaalka, ee ma aha oo keliya xabbad-joojin ku meel gaar ah ee Qasa.
Trump, ayaa xaqiijiyay in la saxiixay heshiiskii nabadda Qasa, kaasoo wajigiisa koowaad dhaqangalkiisa uu maanta bilowday, iyadoo Trump inta lagu jirey sawir kooxeedka hoggaamiyeyaasha ka qeybgalay shirka nabadda Qasa, uu yiri ; “Dhammaantiin dhoola caddeeya , waanu saxiixnay heshiis weyn!”
Isla Trump ayaa maanta xaqiijiyay wajiga labaad ee heshiiska wada-xaajoodkiisa in la billaabay oo ay ku jiraan qodobbo xasaasi, sida mustaqbalka Qasa, hub ka dhigista Xamaas , u dirista Qasa ciidan ka socda dalal dhowr ah iyo arrimo kale.