Toogasho ka dhacday Qudus oo lagu dilay 5 ruux oo Yuhuud ah
Toogasho maanta ka dhacay Magaalada Qudus ee Israa’iil ay xoogga ku haysato waxaa lagu dilay 5 ruux oo Yuhuud ah halka lagu dhaawacay tiro intaas ka badan sida laga soo xigtay Saraakiil katirsan Booliiska oo la hadlay Warbaahinta.
Goobta toogashadu ka dhacday waxaa gaaray ciidamo katirsan booliiska Israa’iil ee loo tababaray kahortagga rabshada iyo falalkaan oo kale, waxa ay isku gedaameen goobtaas iyaga oo hakad galiyay isu socodka Dadka si loo yareeyo khasaaraha sida hadalka loo dhigay.
Idaacadda Ciidamada Israa’iil ayaa sheegtay in suuragal ay tahay kororka khasaaraha ka dhashay weerarka toogashada ah ee ka dhacay Bariga Qudus, waxa ay intaas ku dartay in uu socdo baaritaan lagu raadinayo xogta guud.
Weerarrada toogashada ah iyo kuwa loo adeegsado mindida ayaa bilihii dambe ka dhacayay Magaalooyinka Israa’iil ay xoogga ku haysato, digniin uu soosaaray Booliiska waxa uu shacabka uga digay isu imaanka Dadka badan.