TOGDHEER : Hal Qof Oo Harraad Dartii Ugu Geeriyooday Deegaan Ka Tirsan Gobolka Togdheer

0
412

TOGDHEER : Hal Qof Oo Harraad Dartii Ugu Geeriyooday Deegaan Ka Tirsan Gobolka Togdheer

Abaaro darran iyo biyo la’aan baahsan ayaa xiligaan ka jirta deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Toghdeer, waxaana deegaanada qaarkood ay dad ugu dhinteen abaar darteed, halka dad kalena ay weli dhibaato ku heysato deegaanadooda.

Hal qof ayaa harraad ugu geeriyooday saacadihii lasoo dhaafay degmada Dhoqoshay oo ka tirsan Gobolka Togdheer ee Somaliland, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobolkaas Maxamed Cabdullaahi Nafaqo.

Guddoomiye Maxamed Nafaqo oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in abaarta ka jirta deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Togdheer ay gashay xaalad adag oo dad iyo duunyaba dhimanayaan, isla markaana dadka ay heysato dhibaato nololeed.

Nafaqo, ayaa ku baaqay in loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo gudaha iyo dibaddaba layska kaashado, wuxuuna xaqiijiyay in degmada Dhoqoshay uu hal qof ugu dhintay harraad, kadib markii uu waayay qofka biyo iyo cunto intaba.

Abaaraha ayaa sannadkan si xun ugu baahey dhammaan dhulka Soomaalida, waxaana xusid muran dadka tabaaleysan aysan helin gargaar ku filan, sidoo kalena meelaha qaar ay ka socdaan gurmadyo la gaarsiinayo dadka abaartu saameysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here