Tirada Qoysaska Soomaalida Ah Ee Sweden Carruurta Looga Qaatay Oo Korortay

0
430

Tirada Qoysaska Soomaalida Ah Ee Sweden Carruurta Looga Qaatay Oo Korortay.

Dalka Sweden ayaa waxaa isa soo taraya tirada qoysaska laga qaato carruurta, waxaana sanad kasta hay’adda maareysaa carruurta ay waalidkood kala wareegtaa ugu yaraan 1000, iyadoona qoysaska carruurta laga qaato ay ku jiraan Soomaalida dalkaas.

21-kii bishii December ee sannadkii 2021 daraasad lagu sameeyey Sweden ayaa lagu ogaaday in qoysaska carruurta sida khasabka ah looga qaato waalidkood ay u badan yihiin dadka muhaajiriinta ah ee dalkaas ku nool marka la barbar dhigo qoysaska u dhashay dalka.

Sababta keenta in waalidiinta carruurta looga qaato gudaha dalka Sweden ayaa aaneynayaan in dadka muhaajiriinta ee soo galootiga ah ay diidaan caawimo ay addeeggyada caruurtu bixiyaan.

Xasan Deri oo ah qareen la shaqeeya waalidka Carruurta laga qaato oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in sababta waalidiinta Carruurtooda sida khasabka ah looga qaato ay tahay in waalidka ay carruurta u geystaan Jir-jil muuqda iyo kuwa Maskaxda ah intaba.

Wuxuu intaas kusii daray qareen Xasan Deri in sidoo kale qoysaska ay Soomaalida ku jiraan carruurta yaryar looga qaato dayac ay ku sameeyaan carruurtooda oo ay siin waayan adeegyada ay u baahan yihiin, isagoona xusay arrintaas dowladda ay kala socoto Iskuulada ay dhigtaan carruurta oo Warbixino laga siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here