Tirada dhaawacyada ka dhashay weerarkii ugu dembeeyey ee Iran ku qaaday Israa’iil oo korodhay

0
23

Tirada dhaawacyada ka dhashay weerarkii ugu dembeeyey ee Iran ku qaaday Israa’iil oo korodhay

Kow iyo labaatan qof ayaa ku dhaawacmay gantaallada Iran ay ku garaacday gobolka xeebta dhexe ee Israa’iil.

 

Adeegga gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ee loo yaqaan Magen David Adom ‘ MDA’ ee Israa’iil ayaa sheegay in horey dadka looga daad-gureeyay halkasi.

 

Qoraallo ay dhawaan soo dhigeen bartooda X, MDA, waxay ku sheegtay in mid ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladdiisu liidato, qaar kalena uu dhaawac xun soo gaaray, halka kuwa kale ay qabana dhawacyo fudud