Tirada Dadka U Dhintay COVID-19 Ee Muqdisho Oo Maanta Korortay

0
429

Tirada Dadka U Dhintay COVID-19 Ee Muqdisho Oo Maanta Korortay

Guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19, ayaa xaqiijiyay in 5 oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, 46 xaalada cusub oo 33 kamid ah lab yihiinna ay soo kordheen 24-kii saac ee ugu dambeeyay. 13 qofood oo kamid ah bukaannada cusub ayaa haween ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay inay soo kordheen xaaladaha Cusub ee Cudurka, isla markaana 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay Wasaaradda diiwaan-gelisay 46 Ruux oo qaba Cudurka.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa noqotay 436 ruux, bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 23 ruux.

Dowladda oo qaatay tillaaboyin lagu xakameynayo cudurkaan, ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqeysa inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here