Taliye Odawaa Oo Ka Badbaaday Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

0
442

Taliye Odawaa Oo Ka Badbaaday Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

Faah faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo daqiiqado kahor ka dhacay agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay Magaalada inteeda badan.

Warar la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana lagu dhuftay Kolonyo galbinaysay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage.

Sidoo kale qaraxaas ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga ay sheegeen inuu qaraxa ka badbaaday Taliye Odawaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana aaga xiray, waxaana sidoo kale mararka qaarkood la maqlayaa rasaas ay ridayaan Ciidanka.

Dadka deegaanka Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa soo sheegaya in ay adeg tahay in xog laga helo aaga, waxaana halkaas buux-dhaafiyay Ciidamo badan oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo kuwom kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here