Taliyaha Ciidanka Bileyska Ee Somaliland Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Hoodo Garays Iyo Hooyaddeed
Taliyaha Ciidanka Bileyska Ee Somaliland Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Suxufiyad Hoodo Garays Iyo Hooyaddeed.
Kulanka Oo maanta saacadu markay ahayd 1:00 duhurnimo ka qabsoomay xafiiska taliyaha ayaa waxa uu raali gelin taliyuhu ka siiyey falkii lagula kacay Hoodo garays ee jidh dilka ahaa waxaana uu sheegay in dhakhtar kasta iyo kharash kasta oo ku baxaya dhaawacooda uu bixin doono.
Qoddobada kale ee shirka ka soo baxay ee laysla qaatay ayaa u dhignaa sidan.
1- Inay ugu horayn si buuxda uga raaligelinayaan dhibaatadii iyo dhibkii Askarta Saldhiga Qudhac dheer ay kula kaceen hoodo iyo hooyadeed.
2- Waxa uu sido kale ku Taliyuhu balanqaaday inay Xidhayaan dhamaan Askartii ka qayb qaadatay Falkaasi dhaawacyada loogu gaystay Hoodo iyo Hooyadeed Suleekha .
3- Waxa kale oo uu balanqaaday Dhaawacyadii iyo waxyeelooyinkii Hoodo iyo Hooyaddeed Suleekha loo gaystay in uu Dusha u ridanaayo Dhakhtar kasta oo ay doonaana ay Shaybaadh iyo Daawo wixii aduun ee ku baxaaya ay Taliska Ciidanku boxin doonaan.
4- Ugu dambayn waxa uu u balanqaaday Taliye Dabagale inay ka xun yihiin mar kale falkaasi sida uu u dhacay isla markaana aanay ka Talis Boolis ahaan halka kaga hadhaynin ee Baadhitaan madax banaan arintaasi lagu samayn doono iyo siday u dhacday.
Zir Abdiwali Ali