Taliyaha Asluubta Somaliya Oo Kusoo Baxay Doorasho Ka Dhacday Magaalada Baydhaba

0
339

Taliyaha Asluubta Somaliya Oo Kusoo Baxay Doorasho Ka Dhacday Magaalada Baydhaba

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan  ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop- 172 ee xubinnimada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa soo gababaynaya dooraashada Golaha Shacabka,waxaana ay noqonayaan Maamulada waqtigii loo asteeyay kusoo dhammaystiray dooarshada Golaha Shacabka.

Sidoo kale Baydhabo ayaa waxaa lagu doortay kuraas kale oo Golaha Shacabka ah.

Xaawo Sokor Cali ayaa ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-047 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS iyadoo heshay codad gaaraya 79-cod halka musharaxii la tartamaysay Faadumo Maxamed Isxaaq ay heshay 18-cod.

Sidoo kale  Cumar Cali Balash ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-197 ee xubinimada Golaha Shacabka, halka isaguna Maxamed Abuukar Cabdi uu ku guuleystey kursiga hop#164.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here