Taliban Oo Dalka Afghanistan Ka Mamnuucday Isticmaalka Lacagaha Qalaad

0
420

Taliban Oo Dalka Afghanistan Ka Mamnuucday Isticmaalka Lacagaha Qalaad

 

Taliban ayaa shaacisay in dalka Afghanistan ay ka mamnuucday isticmaalka dhammaan lacagaha qalaad.

Ururka ayaa ku amray shacabka Afghanistan inay isticmaalaan oo keliya lacagta dalka ee Afghani loo yaqaan. Waxa uu sheegay in ciddii jebiso amarka la marsiin doono sharciga
Taliban ayaa go’aankeeda ku tilmaantay mid dan u ah dalka, isla markaana ay lacagaha qalaad dhibaato ku yihiin dhaqaalaha Afghanistan.

Lacagaha qalaad ayaa si weyn looga isticmaalaa guud ahaa Afghanistan. Dollar-ka ayaa ah lacagta ugu badan eel aga isticmaalo suuqyada dalka, halka magaalooyinka xuduudda ahna ay isticmaalaan lacagaha dalalka deriska la ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here