Tahriibayaal ku xayiran soohdinta Mareykanka & Mexico.

0
355

Tahriibayaal ku xayiran soohdinta Mareykanka & Mexico.

Soohdinta waddamada Mareykanka iyo Mexico waxaa ku sugan Tahriibayaal dalal kala duwan kasoo jeeda oo doonaya in ay gudaha u galaan Dalkaas kaddib markii is baddel uu ku yimid maamulka diidanaa soogalootiga.

Madaxweynihii 45aad ee Mareykanka Donald Trump ayaa xakameeyay qulqulka Dadkaan raba in ay gudaha u galaan dalkiisa iyaga oo ku doodaya in ehelkooda ay joogaan una baahan yihiin in ay la noolaadaan.

Inkasta oo maamulka Madaxweyne Joe Biden aanay qaadin tallaabo ama go’aan adag balse waxaa muuqda in uu qaadi dooni tallaabooyin ka dhan ah qulqulka Tahriibayaasha daneynaya in ay galaan Mareykanka.

Hay’adda Socdaalka Mareykanka u qaabilsan ayaa sheegtay in March 2022 ay celisay 221,303 (Labo boqol, labaatan iyo koow kun, saddex boqol & saddex jeer) oo isku day ay sameeyeen ah tahriibayaasha geli raba Dalkaas.

Wixii ka dambeeyay Febaraayo 2022 waxaa sii kordhayay tahriibayaasha isaga kala gudbaya waddamo dhowr ah oo Qaaradda Ameerika ah si ay ugu dambeyn u tagaan Mareykanka oo ah bartilmaameedka socdaalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here