Taalibaan Oo Mar Kale Codsi U Dirsatay Dowladda Mareykanka

0
246

Taalibaan Oo Mar Kale Codsi U Dirsatay Dowladda Mareykanka

Diblomaasiga ugu sarreeya xukuumadda Taalibaan ee Afghanistan ayaa Talaadadii sheegay mar uu ka hadlayay shir caalami ah oo ka dhacay dalka ay dariska yihiin ee Uzbekistan in cunaqabateynta uu Mareykanku kusoo rogay ay tahay sababta ugu weyn ee saboolnimada dalkiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Taalibaan Amir Khan Mottaki ayaa mar kale ku boorriyay Washington inay ka qaaddo xannibaadaha “si shuruud la’aan ah” isla markaana ay u soo deyso ku dhawaad 7 bilyan oo doollar oo ah lacagaha la xayiray ee Bankiga Dhexe ee Afghanistan oo lagu hayo Mareykanka, si ay awood ugu siiso Taalibaan in ay wax ka qabato dhibaatooyinka dhaqaale iyo kuwa bini’aadantinimo ee sii xumaanaya.

Wadamada Yurub ayaa iyaguna xannibay $2 bilyan oo kale oo kaydka Afghanistan ah.

“Tallaabooyinkani ma ahan oo kaliya inay carqaladeeyaan maalgashiga shisheeye iyo macaamilka maaliyadeed, laakiin sidoo kale waxay saameeyn ku yeesheen dhaqdhaqaaqyada dowladda ee faa’iidada u leh dadweynaha,” ayuu Mottaki ka sheegay munaasabadda lagu qabtay caasimadda Uzbek ee Tashkent.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here